Dhageyso: Wasiirka Gaashaandhigga Xaamud”Waa Ay Adag Tahay In Xiligan La Dhiso Ciidamo Tayo Leh”.

0

Muqdisho, AGGM:Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Dhisitaanka Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxamed Sheikh Xasan Xaamud Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ay Adag tahay in Xiligaan la dhiso Ciidamo tayo leh oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeelato,Asagoona Taas Sabab uga dhigay in Soomaaliya ay saaran tahay Cunu Qabateenta Hubka oo aan la tayeenkarin Ciidamada Soomaaliya.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in hadii Soomaaliya Cuna qabateynta Hubka laga qaado ay Ciidamadeedu dhismi karaan oo ay Awood yeelan karaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com