Daawo: Waxgaradka Beesha Sade Oo Kulan Balaaran Ku Yeeshay Magaalada London.

0

London, AGGM:Magaalada London ee Xarunta wadanka UK waxaa ka dhacay Shir ay iskugu yimadan Waxgaradka iyo Aqonyahanada Beesha Sade ee UK .

Shirkaas oo ahaa mid heer sare loo soo agaasimey ayna ka soo qaybgaleen qaybaha kale duwan ee jaaliyada waxaa lagu gorfeeyey xaalada dalku maraayo qaas ahaan deegaanada beesha Sade dagto

Kulankaa oo ahaa mid diirada lagu saarayay Dhismaha Maamulka la doonayo in Gobolada dhexe lo dhiso iyo kaalinta Beesha iyo waliba Shirweynaha Nabada Gobolada Jubboyinka ayaa waxaa khudbado kale duwan ka soo jeediyay odoyaal, aqoon yahay, dhalinyaro,iyo haween garaya ila 50 qof waxana ka mid ahaa xubnihi ugu caansana..

 
1.Qoraa Khaliif Ashkir Diini
2.Dr. Cabdulqaadir Xuseen Aw Maxamuud  Koofiya-cade
3.Saacid Cali Farah (Gudoomiyaha Jaaliyada Galjubba)
4.Mustaf Cabdi Bariis(Gudoomiye Kuxigeenka Galjubba)
5.Nabadoon Cabdulaahi Xalane Nuure
6Nabadoon .Cabdulaahi Jimcaale

 

Iswareysi iyo dood dheer kadib jaaliyada beesha sade ee london Uk waxay shirkaaas kasoo saareen baaq mihiim ah oo dhinacyo badan taabanaaya sidaan buuna u qornaa.

1. In lataageero heshiiskii labada beelood ee walaalaha ah kudhaxmarey C/waaq laguna joojiyey colaadii.

2.Waxay beeshu si buuxda u taageertey diidmada ay beesha sade kudiiday maamul sameynta gobolada dhexe kasoo loo marin jidka wanaagsan lagana tashan beelaha daga galgaduud aana latixgalin, iyadoo beesha sade la’aanteed aan maamulkaas socon karin.

3. In beeshu si buuxdo ka qayb qaadato hormarinta deegaanado beeshu dagto ha ahaato caafimaadka,Amaanka,Waxbarashada iwm

4. Beeshu waxa isku raacdey in ay ka qayb gasho Shirka Nabadeynta Jubooyinka lagu qabanaayo Sabteember 21 keeda noqotana mida leh kaalinta hogaamineysa shirkaas .

sade1 sade

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com