Maqaal:Madaxweyne Gaas Oo Noqndey “Isku Qabe Aan Loo Qabin”.

0

Haddii dowlada federaalka aayan sharci adag marin Gaas iyo xubnaha xildhibaanada qabiilka noqday ee ka tagay xildhibaanada qaranka ee dowlada federaalka xaqiiqdii waxaa furmaya dariiq cusub iyo fowdo aanan hore loo arag,balse waxaa aay noqoneeysaa in fowdadaa noqoto mid aay ku kacaan kuwa hada .

sameeysmirabo,sharcigee qoraya in kalsoonidii dowlada federaalka lagala noqon karo awoodna aay u leeyihiin dowladaha goboleedka ?? xagee ku taal ma dastuurka qabyo qoraalka ??? xagee sideese leeyskugu barbardhigi karaa dowlad goboleed iyo dowlada dhexe ee federaalka ?? maxeeyse ku kala tagi karaan ?? sow ma oga in uu ahaa R&waasre saxiixay jiritaanka dowlada uu diidayo ??

Gaas sow ma oga in uusan haysan kalsoonida iyo awooda uu sheeganaayo ee Puntland oo xaqiiqdii noqotay xero jufo aay leedahay,xagee ka shaqeeysaa Puntlanda maanta iyo tii shalay,sow ma oga in 1998 qaabkii loo dhisay in aayan maanta u dhisneeyn balse Gobolada qaar aay hoos tagaan Somaliland,halka degmooyinka qaar aayan kalsoonidii kaala noqdeen xagee ka shaqeeya Gaas ?? waxaa la dhihi karaa waxaa uu qaatay Hagbadii xiligeeda uu lahaa sabbabta oo ah dhulka aad sheeganeeyso waxaa uu isku bedalay xero Maxud Saleebaan leeyahay oo uu Hagbad ugu jiro 5 sanno ka dibna jufo ka mid ah aay qaadato.

Waxaan leeyahay haddii aayan talaabo la ka qaadin Gaas iyo xubnaha ka amarqaatay ee tagay Puntland ee aanan marna tixgelin golaha baarlamaanka federaalka iyo madaxdiisa iyo hogaanka sare ee dowlada federaalka sida R/wasaarha iyo Madaxweeyne Xassan waxeey ila tahay in xubinwalba oo xildhbaan ka ah baarlamaanka in aay mareeyso wadadaa foosha xun taas oo u horseedaayso in dalka uu ku noqdo burbur iyo halaag,caadifada qabiilka waa meesheeda balse sharciga waa in loo maraa sidii laga yeeli lahaa Gaas iyo kuwa qaatay amarkiisa.

Madaxweeynaha iyo R/wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in aay goáan adag ka qaataan kuwa xilksanimo xumida iyo xadgudubka geedi socdka unkida qaranka Somalia aay ka galeen,xaqiiqdii waxeey isku baheeysteen qabyaalada diidana jiritaanka qaranka Somalia.

Waxaan rajeeynayaa in dastuurka qabyo qoraalka cadeeyo meesha aay kaga jirto xadgudubka foosha xun,xubinta uu sheegay in aay Gaas qaadato amarkiisa ee Caasho Geelle waxaa sharaf-dhac u ah in aay yeesho amarka Gaas halka aay weli cadeeyn goáanka aay ka qaadaneeyso Gaas,haddii aay amarka Gaas raacdo waxaa waajib ah in laga saaro gudiga madaxbanaan ee dib u eegida dastuurka qabyo qoraalka sabbabta oo ah waxeey ka guurtay Qaranka waxeeyna u guurtay Qabiilka Gaas ,waa in aay kala garataa farqiga u dhaxeeya Qaran iyo Qabiil.

DrAli.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com