Dhageyso:Waaliddiin Taageeray Hadalkii Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gen. Tuuryare

0

Muqdisho, AGGM: Kulan lagu taageerayay hadalkii guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee ahaa in waalidiinta ay caruurtoodu ka midka yihiin Alshabaab ay ku wargeliyaan hey’adaha amaanka ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Xaflad aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen waalidiin, laguna taageerayay wax qabadka maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo hadalkii guddoomiye Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waalidiintii ka qeybgalay xafladda waxaa ay muujiyeen sida ay ula dhacsanyihiin hadalka gudoomiyaha iyo go’aannada maxkamadda ciidamada.

Waalidiinta ayaa ku guubaabiyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare “Cumda” inuusan ka gaabinin dadaalka uu muujiyay, iyagoo xusay in maxkamaddu ay soo nooleeysay rajadii iyo kalsoonidii shacabka.

“Gen, Tuuryre waa geesi howlkar ah, wan ku diirsanay toogashada kuwa dadka dila, nabad ayaa noo soo carfeysa, hadaan nahay waalidiinta, waxaan ballan qaadeeynaa inaan nabada kala shaqeeyno ciidamada, maadaama kii shabaaba ee la qabto an la soo deeyneeynin oo la tooganaayo” ayuu yiri mid ka mid ah waalidiintii ka qeybgalay kulankaasi.

Waalidiinta ayaa ballan qaaday iney kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaan sudidda amniga, ayna la shaqeeyndoonaan ciidamada amaanka, maadaama kii la qabto maxkamaddu tiirka geeyneeyso.

Wixii ka dambeeyay markii Gen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare “Cumda” loo magacaabay xilka gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, islmarkaana tiirka la geeyay tiro gacan ku dhiigyaal ahaa, ayaa waxaa la waayay dilalki ay bistooladleeydu ka geeysan jireen Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa kasbatay kalsoonida Shacabka, soona nooleeysay rajadii nabadda. iyadoo bulshadu aad ugu riyaaqeen markii ay arkeen dhagar qabayaashii ay qaati ka taagnaayeen oo dharaar cad lagu tooganayo tiirka iskool boliisiya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com