QABSOOMIDA SHIRKA KISMAYO IYO NABADDA KISMAYO YEEY DANI UGU JIRTAA?

0

Muqdisho, AGGM: Nabada iyo xasiloonida degaankasta ka jirto waxeey dani ugu jirtaa bulshada degaankaas ugu badan. Magaalada Kismayo oo ah caasimada Jubada Hoose waxaa ka jirta degenaasho la’aan nabadeed iyo xadgudubyo loo geesanayo dadka rayadka ee degen Kismayo. Arrinkaas waxeey dib u dhac ku keentay horumarinta degaankaas.

Magaalada Kismayo waxeey gacanta ugu jirta jabhada loo yaqaano Raskanbooni kuwaas oo u suurta gashay in ay ka dhisaan maamul la magic baxay maamulka Jubalaand state, waxeey arrinkaas ugu suurta gashay waa gacata ay ka heleen ciidanka Kenya, iyo taageero siyaasadeed oo ay bixinayeen siyaasiyiinta Kenya oo ka soo jeeda Raskaboon.

Jubaland oo leh istaraadiyad aad muhiim u ah dowladaha daneeyaha arrimaha Jubal)and, dowladahaas waxaa marin habaabin ku sameeyay aragtiyo khaladan oo ay bixiyeen siyaasiyiinta Kenya iyo siyaasiyiin badan oo Somaliyed ayaa waxeey leexisay hakad weyna gelisay qab dhismeedkii la rabay I loo maro dhisida maamulka Jubaland (Gedo, Jubada Hoose iyo Dhexe).

Isku dayo badan oo la rabay in dib u sax lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo hanaanka loo dhisayo maamulka uu yeelanayo Juba ayaa waxaa isku afgaran waayay dowladii hore ee Dr. Saacid iyo Kenya iyo IGAD. Waxaa haatan arrinkaas garowsho ka bixiyay ragii hormuudka ka ahaa dhismahii maamulka Juba, waxaa ragas ka mid ah Dr. Omar Abdirashiid iyo Prof. Gandi.

Markii ay cadaatay in ay adag tahay in maamulka juba ka hirgalo dhammaan degaanda Juba, waxaa isbedel ku yimid qaab dhismeedka ciidamada AMISOM ee jubooyinka, sida waxaa KIsmayo lagu soo kordhiyay ciidan cusub oo AMISOM ah sida cidanka Siralyoon iyo ciidanka Itoobiya oo ku soo biiray AMISOM oo haatan qeyb ka ah dhisida maamulka Juba.

Waxaa haatan dardar cusub bilaabay wasiirka kowaad Dr. Abdiweli Shiikh Ahmed oo beesha caalamka iyo dowladaha deriska ka dhaadhiciyay in ay muhiim tahay in shir dib u heshiisin loo qabto qeybaha siyaasada iyo bulsho ee degaanka juba. Arrinkaas oo dib ugu soo celinkarto degaanada juba nabad ku noolaasho iyo horumar.

Waxaa haatan soo ifbaxeyso in kooxada maamulka juba raadinayaan sidii ay ku fashilin lahayen shirkii la rabay in la qabto 21 September 2014, si loo dhisto maamul ka hirgeli kara degaanada juba islamarkana uga shaqeyn lahaa.

Dagaalada ay haatan bilaaben hogaanka Juba waxaa uu u eg yahay mid aan xiligaan loo bahneen madama la wado in la furo wadahadal nabadeed ee deganka ka dhacdo.

Sida awgeed, waxaad mooda in nabad Kismayo aysan dan u ahyen kooxda Raskanbooni, maxaa yeelay nabadu waxaay faa’ido u tahay dadka degaanka ku badan kuna haysta ganacsi iyo xoolo iyo beero.

W/Q.Abdi Ilikey

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com