Fartaag Oo Nairobi Loogu Diyaariyey Dabin

0

Nairobi (AGGM) Horjoogaha 2aad ee maleeshiyada Raaskambooni Fartaag wuxuu shalay u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, halkaasoo ay deganyihiin kumanaan jaalliyad  beesha SADE ka soo jeeda.

Markii uu horjoogahan ka dhoofayay Kismaayo ayuu sheegay in uu Nairobi ka raadsanayo taageero farsamo si buu yiri ay isugu keenaan dhammaan qeybaha bulshada, shirka la qabanayo Septemberna uu u noqdo mid maamulkooda dhicisoobay xalaaleeya.

Haddaba Jaalliyada SADE ee Nairobi oo ah dad aad isugu xiran, adag lehna midnimo aan la jiiri Karin kana mideysan qadiyada beesha SADE ee aan la iibsan Karin ayaa diyaariyey in ay waji gabax kala hortagaan horjoogahan nafla caariga ah.

Waxaa naloo sheegay in odayaasha iyo waxgaradka muhiimka ah ee Nairobi aysan la kulmi doonaan jabhada uu la socdo Fartaag, iyadoo ay jiraan dhalinyaro doonaysa inay fawdo iyo gacan ka hadal kala hortagaan haddii uu isku dayo in uu shirar ku qabto Nairobi.

Bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka ayaa ka mideysan inaan la isku dhiibin koox beeleed yar oo Soomaaliya ka degan xuduuda agteeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com