Dhageyso:Afhayeenka Maxkamada Ciidamada “Xanafi Waxaa Loo Haystaa Dilka 3 Ruux”.

0

Muqdisho, AGGM:Shir jaraa’id ayaa waxa maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa ka hadlay qabashada Sargaal Sare oo katirsan Warfaafinta Al Shabaab iminkana lagu hayo dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in Kiis dacwadeed uu uga furan yahay Sargaalkaasi katirsan Al Shabaab Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka Sida isagoo sheegay in Xasan Xanafi Xaaji loo heysto Eed ah inuu ka dambeeyey shirqoolo lagu dilay wariyeyaal Soomaaliyeed.

Afhayeen Keyse ayaa sheegay in Xasan Xanafi lagu Eedeynayo inuu soo maleegay Shirqooladii lagu dilay Marxuumiinta kala ah:-

Siciid Tahliil Axmed oo Agaasime ka noqday Idaacadii Horn Afrik

Cali Iimaan Sharma’arke oo isna ka mid ahaa Malkiilayaashii Idaacadii Horn Afriik

Shiikh Nuur Abkeey oo katirsanaa Warbaahinta Dawlada Radio Muqdisho

Waxa uu C/llaahi Maxamed Keyse sheegay inay ku rajo weyn yihiin in Xasan Xanafi Xaaji Maxkamad la horkeeno si loogu qaado kiisaskaasi lagu Eedeeyey in wariyeyaashaasi lagu dilay Muqdisho uu wax kasoo abaabulay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com