Dhageyso:- Horjooge Al-shabaab u qaabilsanaa sirdoonka gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu dilay

0

Wasarada amniga xukuumada Soomaliya ayaa caawa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay kafulisay xaafada SOS ee Degmada Heliwaa ay ku dishay sarkaal sida ay sheegeen Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca sirdoonka muqdisho.

Afahayeenka Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Yuusuf oo la hadlay Allgalgaduud.com ayaa Sheegay in Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Baroow lagu Weeraray Hooyga uu ka dagan yahay Degmada Heliwaa laguna dilay Halkaasi.

Afahayeenka ayaa Sidoo kale Sheegay in Sarkaalkan uu ahaa mid Muhiim u ah Ururka Al-Shabaab waxa uuna intaasi ku daray in Sarkaalkan uu ku dhuumaaleysanayay Gudaha Degmada Heliwaa ayna soo sheegeen Shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Ugu dambeyn Afahayeenka Wasaarada Amniga ayaa ku Amaanay Shacabka sida wanaagsan oo ay ula Soo xiriiraan Hay adaha Amniga Qaranka.

Halkan ka dhageyso