Dhageyso:- Haweenka Muqdisho oo amaanka ka shiray

0

Haweenka Gobolka Banaadir ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Degmada Xamar Weyne waxayna kaga hadleen Sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Sugida Amaanka Degmada Xamar Weyne oo Maalmihii dambe ahaa mid aad u xumaa.

Hawenka waxay kaloo ka hadlaeen sidii ay u noqon lahaayeen kuwa la Shaqeeyaa Hay adaha Amaanka ee Dalka ayna meel ugu soo wada jeysan lahaayeen Dagaalka ay Dowlada kula jirto Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kulanka ka dib la hadashay Warbaahinta ayaa Sheegtay in ay sii socon doonaan Kulamada yeelanayaan Haweenka Gobolka Banaadir.

Mudooyinkii dambe ayaa Degmada Xamar Weyne waxa ka dhacay Dhacay Dilal Qorsheysan oo loo geystay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo ay ugu badnaayeen Dilalkii loo geystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso