Dhageyso: Golaha Guurtida Maamulka 6-da Gobol Ee Koonfur Galbeed Oo U Hanjabay Dowladda Federaalka.

0

Baydhabo, AGGM: Gudoomiye kuxigeenka Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur ayaa Hanjabaad ujeediyey Dawladda Federaalka Somaliya.

Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur oo ka mid ah Maamulka Madoobe Nuunow ayaa isagoo Baydhabo jooga usheegay Saxaafada inay hadda wadaan dhisida Hay’adaha Garsoorka,Baarlamaanka iyo waxyaabaha Maamulkooda tiirarka u’ahaa.

Ugaas Nuur ayaa sheegay in marka ay usoo dhamaato Dhisida hay’adaha Maamulkooda ay dawlada Federalka Somaliya Go’aano ka yaabin doona ay soo saari doonaan.

Maamul ka kooban 6 Gobol iyo Maamul ay Dawlada Federalka taageersan tahay oo isna ka kooban Seddex Gobol ayaa kawada dhisan Baydhabo iyadoo Maamulka Madoobe Nuunoow ay sidoo kale uhanjabeen Maamulka Seddexda Gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com