Dhageyso: Dowladda Oo Sheegtay Inay Weerar Ku Qaadeyso Baraawe Todobaadka Soo Socda.

0

Qoryooley, AGGM: Magaalada Xeebta leh ee Baraawe Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa sanado badan maamulaya Al Shabaab waxaana dawladu sheegtay inay Dhawaan qaadi doonto Duulaan ay ku qabsaneyso Degmooyinka qaar ee ku yaalla Gobolkaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Dawlada ugu magacaaban Degmada Qoryooleey Maxamed Xaaji Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in Todobaadka Soo socda ay ku duulaan tegi doonaan meelo ay ka mid tahay Baraawe.

Al Shabaab ayaana la sheegay in Baraawe iyo Deegaano kale oo Buula mareer ka mid tahay ay bilaabeen inay qalabkoodii ugu badnaa kala baxaan waa sida gudoomiyaha qoryooleey usheegay Saxaafada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com