Dhageyso: Beesha Wadalmoge “Maamulka Cabdiwali Gaas U Magacaabay Gardafuul Waanu Qaadacnay Cadaaladna Ma,ahan”.

0

Boosaaso, AGGM: Waxaa maanta kulan isugu yimid qeybaha kale duwan ee beesha Wadalmoge ee Puntland-Soomaaliya, waxaana uu ka dhacay kulanka magaalada Bosaaso, gaar ahaan hoolka shirarka ee hotel Al-Sabaax.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid ay beesha kaga cabanayso maamulka cusub ee uu madaxweynaha Puntland dhawaan u soo magacaabay gobalka Gardafuul.

Waxaa ka hadlay kulanka nabaoon Huruuse, ganacsade Daahir Filfil Gabood, C/xaafid Maxamad Cabdi iyo Cali Cartan Tahliin, waxa ayna dhammaandoontod goobta ka sheegeen in aysan ku qanacsaneen maamulka cussub ee loo dhisay gobalka Gardafuul, isla markaana aan laga qeyb galin.

Waxaa laga soo saaray kulanka baaq, ee Hadaba baaqa oo dhammeystiran hoos ka akhriso.

Anagoo ah odayaal, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, aqoonyahano, culuma’udiin iyo nabadoono ka soo jeeda beesha Wadalmoge waxaan maalmahan shirar nooga socday magaalada Bosaso, degmada Murcanyo iyo tuulooyinka Hooda, Dibir, Xanaan, Hel, Laasa gaduudan, Sidibta, tuulo Barwaaqo, Dhurbo iyo Galgala.

Shirarkaasi oo ku saabsanaa maamul uu madaxweyanaha Puntland u soo magacaabay gobalka Gardafuu, kana soo baxday xafiiska madaxweynaha warqad nambarkeedu uu ahaa Lr 100, kuna taariikheysanayd 19/7/2014.

Beesha markay aragtay Qodobada soo socda

1- In lagu dhisay maamulka gobalka Gardafuul cadaalad darro.

2- In la garab maray talaabooyinkii beesha ee dhismaha maamulka gobalka Gardafuul.

3-In la dhinac maray hab deegaanka gobalka Gardafuul.

4- In maamulkaasi uu keenay dhibaato iyo amni darro ku soo kororta gobalka Gardafuul.

Wadatashi badan kadib beesha waxay go’aansatay qodobada hoos ku xusan.

1- Beesha Wadalmoge ma aqoonsana, lamana shaqeyn doonto maamulka lagu dhisay cadaalad darada ee loo magacaabay gobalka Gardafuul.

2-Degmada Murcanyo iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo deegaanada kale ee beesha degan tahay kama shaqeyn doono maamulkaasi, wax xiriir ahna lama yeelan doonto inta laga helaayo cadaalad.

4-Wixii dhib ah ee uu la yimaado maamulkaasi waxaa masuuliyadeeda qaadaya cidii soo magacawday.

5-Beesha masuul kama ahan wixii amni darro ah ee ku soo korodha gobalka oo ahaa mid nabad caan ku ah
Talo soo jeedin.

Beesha waxay us oo jeedinaysaa madaxweynaha dowladda Puntland.

1-In uu gobalka Gardafuul u diro guddi xaqiiqo raadin ah si cadaalad loo gaaro.

2- In uu ka noqdo maamulka ku dhisan cadaalada darrada ee uu u soo magacaabay gobalka.

3-In talada gobalka Gardafuul uusan ka qaadan hal dhinac.

Wabilaah towfiiq

Waxaana ku saxiixan qeyabah kale duwan ee beesha Wadalmoge.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com