Daawo: Abwaan Daahir Calasoow Oo Dharbaaxo Lama Ilaawaan Ah Dhulka La Dhigay Cabdi Good.

0

Muqdisho, AGGM: Wariye, Abwaan Daahir Cabdule Calasow ayaa dhankiisa kusoo biiray Xiisadii u dhaxaysay Qaar kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed iyo Daadiyaha Barnaamijka Isirraaca Afka Soomaaliga ee kabaxa Tv-ga Somali channel Cabdi Good.

Abwaan Daahir ayaa ugu horayn Cashar kooban Siiyey Cabdi good oo ku sheegay inuu yahay nin doonaya inuu dhamaan Bulshada Soomalida ugu sheego wax Afka looga hadlo degamadiisa, Wuxuuna soo qaatay Tusaale yaal badan.

Geesta kale Abwaan Daahir ayaa soo xigtay Kelmado Qosol badan oo Burco iyo gobolada Waqooyi Qaarkood Looga yaqaan Amaan halka gobolada kale ee Somalida cay iyo waxyaabo kale looga yaqaan.

Kalmada Caarka oo uu adeegsaday Cabdi Good kuna sheegay dumarka ayaa Daahir waxa uu ku sheegay in Soomaali inteeda badan ay u taqaano xubinta Taranka ee Ragga ama tan geella, Sidoo kalana wuxuu sheegay In cabdi good SHUUN u yaqaan Qurux, halka Isaga iyo dadka Koonfureedna ay u yaqaanaan TIMO.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com