Dhageyso: Afhayeenka Gobolka Hiiraan “AMISOM, Dawlada Iyo Shacabka Way Iska Dulqaadayaan Alshabaab”  

0

Beledweyne (AGGM) Sida aad la socotaan Gudoomiyaha degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Nuur Guutaale ayaa sheegay in degmadiisa ay kamid tahay goobaha ay sida xun u go’doomiyeen Alshabaab.

Sidoo kale degmooyinka Buuloburde oo xalay ay dagaalo ka dhaceen iyo tuulo farabadan ayaa kamid ah goobaha ay Alshabaab go’doomisay. Maamulada iyo dadka degan deeganadaas ayaa dawlada iyo AMISOM ka codsaday inay ay gacan ka siiyaan sidii ay mushkiladaas xal ugu heli lahaayeen.

Xasan Maxamed Ibraahim oo ah afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ayaa sheegay in Alshabaab ay ka sifeynayaan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan oo ay sida xun u go’doomiyeen balse wuxuu ka codsaday in wadashaqeynta AMISOM, Dawlada Iyo Shacabka ay taasi fududeyn karto.

Halkaan ka dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com