Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Gaadiidka

0

Garoowe(AGGM) Xukumadda Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku dhawaaqday Puntand inay ka mamnuuceen gaadiidka shukaanta ku leh dhanka midigta iyo waliba kuwa dadwaynaha ee albaabka dhankaasi ku leh.

Go’aankan ayaa kasoo baxay shirkii gollaha wasiiradda oo shalay madaxtooyada ku qabsoomay waxaana sababta loo mamnuucay lagu sheegay inay Puntland aad ugu soo faro bateen shilalka gaadiidka.

”Golaha wasiiradda Puntland waxay maanta si buuxda is­kugu raaceen in la joojiyo gaadiidka leh shukaantamidig , gaadiidkaas oo sabab u ah shilka ugu badan ee ka dhaca gudaha dawladda Puntland”

”Sidoo kale waxaa la farayaa dhaaman shacabka wata gaadiidka leh shukaanta midig iyo sidoo kale albaabka xiga dhinacamidig oo sababa shilalka dadweynaha inay u wareejiyaan dhinaca midig”qoraal kasoo baxay madaxtooyadda ayaa sidaasi lagu yiri.

Docda kale ganacsatadda Shidaalka ka shaqeeya ayaa lagu amray inay isku jirsadaan 300mt si looga bad baado khatarta ka imaan karta dab ka kaca goobahaasi shidaalka.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay kusoo badanayaan goobaha lagu wada iibiyo raashiinka iyo shidaalka taasoo lagu tilmaamay inay dhibaato halis ah ay bulshadu ku hayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com