Madaxweynaha Puntland Gaas Oo Odayaasha Nugaal Kala Hadlaya Xiisad Gilgishay Garoowe

0

Garoowe(AGGM) Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa  lagu wadaa in uu kulan la yeesho waxgarad iyo cuqaal reer Nugaaleed ah si meesha looga saaro muran qabyaaladeysan oo cirka isku sii shareeraya.

Dr Gaas aya odayaasha kala hadlaya in la xaliyo muranka gilgilay maleeshiyaad beesha Ciise Maxamuud oo hub iyo ciidan ugu goodiyey dawlada Cabdiwali kaddibmarkii xilal dhawr ah uu ka ceyriyey masuul uu Faroole horey u magacaabay.

Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase  ayaa kamid ah waxgaradka uu doonayo in uu la kulmo Dr Cabdiwali Gaas.

Garoowe ayaa tan iyo asbuucii hore waxaa lagu arkayay malayshiyaad aan dawlada Puntland ka qornayn oo hub badan ku dhex wata gudaha magaalada.

Sidoo kale maleeshiyadan ayaa waxaa saacado kooban ay la wareegeen xarunta Raadiyowgga Puntland. Tan ayaa timid markii madaxweyne Gaas  uu xilka qaadis ku Sameeyay Agaasimihii Tv-ga Axmed Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com