Dhageyso: Howlgalo Hub lagu soo qabtay oo Muqdisho laga sameeyey

0

Muqdisho, AGGM: Hey’adaha Amaanka dalka ayaa soo bandhigay hub ay ku soo qabteen howlgallo laga sameeyay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyada oo horjoogayaal ka mid ah falaagada Al-Shabaab ay howlgalkaasi ku geeriyoodeen kaddib markii ay ka dhega adeegeen in ay ciidamada isu dhiibaan.

Hubkan ay maanta hay’adaha amniga u soo bandhigeen saxaafadda ayaa waxa ay ahaayeen kuwa laga soo uruuriyay xaafadaha magaalada Muqdisho kaddib howlgallo ay ciidamadu xaafadahaasi ka sameeyeen.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale waxa ay howlgallo xalay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha  ee dhanka degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku dileen labo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay baxsadaan kaddib markii ay ka dhago adeegaan amarada ciidamada oo ay isku dhiibaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in hubka ay hay’adaha amniga soo bandhigeen uu yahay mid ay ciidamadu ka soo uruuriyeen xaafado ka mid ah degmooyinka gobolka Benaadir, ayna sii wadayaan howlgallada nuucaani oo kale ah.

“Howlgalladii ugu dambeeyay ayaa lagu soo qabtay guud ahaan degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa laga kala keenay hubkaan, waxaa ku jira rasaasta hoobiyeyaha ee loo yaqaan nuuca 60-Ml, xaafadda suuqa xoolaha waxaa lagu dilay labo ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhago adeegay in ay isu dhiibaan ciidamada dowladda”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com