Dagaalo Ka Dhacay Boosaaso Iyo Xudur

0

Booasaaso Iyo Xudur (AGGM) Ciidamo sida la soo sheegayo ka tirsan Puntland ayaa tan iyo weerarkii lagu dilay taliyihii qeybta Boliiska Bari Muslim waxa ay wadeen howlgalo ka dhan Alshabaab.

Dagaal ayaa lagu soo waramayaa inuu duleedka Boosaaso ku dhexmaray  ciidamada Puntland iyo koox hubeysan oo la soo sheegin waxa ay yihiin balse la rumeysanyahay inay Shabaab u janjeeraan.

Macada khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkaas ka dhashay. saraakiisha Puntland ayaa iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan dagaalkaas.

Dhinaca kale dagaalka u dhaxeeya AMISOM iyo Alshabaab ayaa lagu soo warbixinayaa inuu ka dhacay Xudur kadib markii koox Shabaab ah ay weerar ku ekeeyeen goob ciidan oo ay deganyihiin ciidamada Itoopiya iyo kuwa deegaanka meel duleedka ka ah degmada Xudur ee Bakool.

Ma jiro isna khasaare la soo wariyey balse waxaa la maqlayay hubka ay dhinacyadaas isu adeegsadeen oo ahaa mid xoogan.

Degmada Xudur waxaa godoomiyey Alshabaab oo jaray wadooyinka soo galay, taasoo nolosha ku adkeysay dadka shacabka ah ee halkaas degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com