Daawo Video: Col. Bare Hiiraale Oo Markale Tababar Uu Soo Xiray Ciidamo.

0

Kismaayo (AGGM) Col Barre Adan Shire Hiraale hoggaanka ciidamada Qaranka Jubbooyinka ahna Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabada iyo Midnimada  Jubboyinka ayaa soo saaray muuqaal film ah oo cajiib ah, kaasoo uu tababar ugu soo xirayay boqolaal ciidamo ah.

Goobweyn, AGGM: Videogan Col Barre Hiiraale oo hab diyaar garow iyo nidaam ciidamo ah oo adag uu ka muuqdo ayaa ciidamada kula dardaarmay inay dalkooda ka difaacdaan maleeshiyaadja ONLF iyo Kenya.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay noqonayaan dufcadii ugu dambaysay eek u biiraya ciidamada qaranka Soomaaliya, kuwaasoo oo difaacaya soomaalinimada iyo qaranimada dalkeena hooyo.

Ciidamadan ayaa wata dresska ciidamada qaranka oo leh lambar diwaangashan iyo kabo buud ah, waxayna si asluubaysan u dhageysanayeen amarada madaxweynaha Jubbaland Col Barre Hiiraale.

Waxaa dad badan iswaydiinayaan halka ciidamada Raaskambooni ay ka wataan dacas, xaggee Barre Hiiraale ciidamadiisu ka heleen dresska iyo kabaha quruxda badan. Tanoo muujinaysa in wasiirkii hore ee gaashaandhiga uu haysto taageero gudaha iyo dibadaba ah.

Halkaan ka daawo muuqaalkan

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com