Daawo: Koox Mucaarad Ah Oo Carqaladeeyay Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Ridwaan Xuseen

0

Arlington (AGGM) Koox loo aqoonsaday inay ahaayeen mucaaradka Itiibiya ayaa carqaladeeyay socdaal wax iibsi ah ama dukaameysi oo uu wasiirka Warfaafinta Itoobiya Ridwaan Xuseen kaga adeeganayay goob dukaan ah dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Arlington ee gobolka Virginia.

Wasiirka Ridwaan Xuseen oo si degan u dhageysanayay hadal aflagaado ah oo ay kooxdaas kula kaceen ayaa markii dambe maareeyay inuu goobtaas isaga baxo isagoo nabad qaba.

Carqaladeynta oo ahayd afka ayaan wax dhibaato ah u gaysanin wasiirka, waxaana videoga laga soo duubay laga maqlayaa aflagaado toos ah oo ay u gaysanayaan.

Daawo Muuqaalka laga soo duubay

https://www.youtube.com/watch?v=6uQF4PZ0iIk

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com