Top News: Erygayga Midowga Yurub Ee Somaaliya Oo Soo Dhaweeyay Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe Ee Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya, kaas oo dhamaadkii bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in heshiiska uu ahaa mid muhiim u ah maamul u samaynta gobollada dhexe si uu awood u yeesho nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya.

Ergeyga ayaa u hambalyeeyay saxiixayaashii heshiiska, wuxuuna ku dhiirragelyay guddida farsamo ee la sameeyay inuu ku dhaqaaqo dhaqangelinta dadaallada dib-u-heshiisiinta ee socda.

Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub oo kaashanaya saaxiibbadiisa caalamka uu taageerayo nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay sidii ay u garab istaagi lahaayeen xasilinta iyo dib-u-heshiisiinta maamulladii hore u sii jiray iyo kuwa cusub.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku soo biiray heshiiska oo ay 30-kii July saxiixeen maamullada Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com