Dhageyso: Wariyeyaal Xalay Hoteel Ay Daganaayeen Oo Ku Yaala Magaalada Garowe Lagala Baxay.

0

Garoowe,AGGM: Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa waxay Xalay Saqdii dhexe Hoteelkii ay ka deggeneyd Magaalada Garowe lagala baxay Seddex wariye oo ka mid ahaa Saxafiyiinta ka shaqeeya Deegaanada Puntland.

Wariyeyaashaasi oo deggenaa Hoteelka Shaaraqia ee Magalada Garowe ayaa waxay kala ahaayeen:
Faadumo Yuusuf Taxadar oo ka mid ah shaqaalaha Radio Daljir Boosaaso
C/naasir Daacad oo ka mid ah Wariyeyaasha Puntland ee Tv-ga Kalsan
Khadro Deggan Maxamed Xasan oo ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Puntland.

Saxafiyiintaan ayaa markii Saldhiga Magaalada Garowe la geeyey waxay sheegeen in Khadro Deggan iyo C/naasir lagu amray inay iska baxaan oo ay xor yihiin halka Faadumo Taxadar xabsiga la dhigay ilaa haddana ay xiran tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com