Madaxweynaha” Waan Ka Hortagaynaa Si Uusan Eboola Noo Soo Gaarin”

0

USA (AGGM) Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka xogwaramay sida ay dawladiisa uga hortagayso xanuunka Ebola oo fara kulul ku haya galbeedka Qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka walwalsantahay cudurkan oo horreysay ka dilaacay dalka Gini bishii Maarso 2014.

Dalalka Liberia iyo Siera Leone oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa iyaguna uu cudurku ka dilaacay goor dambe.

“Dawlada Soomaaliya iyo saaxiibadeedba waxa ay qaadeen tillaabooyin deg deg ah si Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga ilaaliyo cudurkaas” Ayuu yiri madaxweyne Xasan

Xasan ayaa intaas ku daray “Heegan baan u nahay in aan caawinno dalalka uu waxyeelleeyey cudurku waxaana u rajeneynaa waxkaqabasho iyo caafimaad deg deg ah”

Ebola daawo malahan, wuxuu dilaa qofka uu ku dhaco haddii uusan helin kaalmo u badan tallooyin caafimaad oo deg deg ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com