Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Booqday Magaaladii Uu U Dhashay

0

Dhahar (AGGM) Saciid Xasan Shire oo ah guddoomiyaha baarlammaanka maamulka Puntland  ayaa markii ugu horeysay tagay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ay dhinac ka sheegato Somaliland.

Halkaas waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid ahaa guddoomiyaha degmada Dhahar Maxamed Faarax Ciise iyo dadweyne farabadan.

Guddoomiyaha ayaa waxaa la hordhigay qodobo la xiriira amniga, horrumarka iyo kaalinta waxqeybsi oo ay degmada ka hesho Puntland.

Maamulka Puntland ayaa lagu dhaliilaa inuusan adeegyada horumarineed iyo dhaqaalaha soo gala uusan gaarsiinin deegaanada Sool iyo Sanaag.

Dhahar waxaa ka jira horumar ay si iskood ah u samaysteen dadweynaha deegaanka oo kaashanaya jaalliyadaha dibada ee dhulkaas ka soo jeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com