Deg Deg+Dhageyso: Ximan Iyo Xeeb Oo Maamulka Gobolada Dhexe Ka Mid Noqday” Iyo Khudbad-dihi Madaxda.

0

Muqdisho (AGGM) Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb  Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex ayaa shaaca ka qaaday in Maamulkoodu  uu si buuxda  ugu biiray, una aqbalay heshiishka maamul u samaynta gobollada dhexe ee dhawaan laga ambaqaaday Muqdisho.

Ximin iyo Xeeb si adag ayay heshiiska uga soo horjeeday, waliba madaxweyne Baarleex wuxuu heshiiskaas ku tilmaamay mid burcadnimo ah. Waxay maanta heshiiska ku aqbaleen kulan lagu qabtay madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankaas waxaa goob joog ka ahaa Maxaed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, iyo Nikolas Kay oo ah wakiilka qarammada midoobay ee Soomaaliya iyo martsharaf kale.

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb ayaa saxaafada u sheegay in madaxda dawlada Soomaaliya uu uga mahadcelinayo dadaalka ay ku doonayaan inay dalka ay ku gaarsiiyaan habka federaalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com