Damacii Guuleed oo uu SHARIIF Xasan is-hortaagay lana dejiyey Villa Somalia

0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa waxaa xilligaan Xafiis looga dhex sameeyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, si uu Siyaasada kaga soo muuqdo.

Wasiirkii hore, ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay rajo ka qabay in loo magacaabo Safiirka Somaliya ee dalka Turkiga, ha yeeshee uu Dowladda cadaadis kaga yimid Xildhibaanada iyo Siyaasyiinta Beelaha Digil & Mirifle.

Safiirka Somaliya u fadhiya Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, oo Deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolada Baay iyo Bakool, ayay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ku heybta ah, ay ku difaaceen in uu Safiirnimada ku yahay awood qaybsiga, ay maanta ku dhisan tahay Dowladda Somaliya.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii Kmg Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ah maskaxdii ka dambeysay magacaabidda Safiirka Somaliya ee Turkiga, ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Madaxda Dowladda culeyska ku saartay inaan la bedelin Safiirka.

Siyaasiyiinta Dam Jadiid ee hogaanka u haaya Dowladda Somaliya, ayaa waxay garowsadeen in C/kariin Xuseen Guuleed xafiis looga sameeyo Madaxtooyada. Haddii uu ka soo xirmay dariiqii uu ku noqon lahaa Safiirka Somaliya ee Turkiga.

Guuleed oo hadda ah La taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee dhinaca Siyaasada, ayaa waxa uu Madaxtooyada kaga hawlgali doonaa sida, isagoo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya, bacdamaa aynaan Xukuumada haataan jirto lahayn Wasiiru Dowle Madaxtooyo.

Xukuumadii Saacid, ayaa waxaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, kaa oo ay isu dhow yihiin Guuleed, waana shakhsiga horseeday in Guuleed uu dib ugu soo laabto Siyaasada.

Faarax oo ka warqaba in Guuleed uu ku fashilmay Siyaasada dalka, kana baxay albaabka, ayaa waxa uu hadana suurta geliyay in Guuleed uu daaqada ka soo galo Siyaasada, iyadoo uu xeerinaayo saxibtinimadooda.

Masuuliyiinta Dowladda oo lagu eedeeyo in ay ku xad gudbeen awood qaybsigii ay Dowladdu ku dhisneyd, ayaa waxaad kolkaan mooddaa in ay ku fashilmayn, in Guuleed uu ka soo muuqdo Ankara iyo Istanbul.