DAAWO:- Fashil ku wajahan Somaliland iyo Arimaha Ictiraafka oo laga yiri..

0

Waxaa soo baxaaya warar ay si hoose u heshay Shabakada Alldhacdo islamarkaana ku saabsan fashil dhawaan ku wajahan maamulka Somaliland ee sheega in Soomaaaliya inteeda kale ka go’een.

Sanadkii 1991 ayeey sheegeen Somaliland inay yihiin dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, waxaana ay sameesteen calan u gaar ah, mudadaasina waxaa la raadinaayay aqoonsi madax banaani.

Alldhacdo oo baaritaano xoogan sameysay waxay heshay xog ku saabsan in Somaliland 23-sano ka dib ay ku fashilmeen qorshihii ay raadinaayeen.

Madaxda maamulkaasi hadda joogta ayaa waxay xiriir la sameeyeen dalal badan oo caalamka ka mid ah iyo Qaramada Midoobay, waxaana loo sheegay in marnaba aan la aqoonsan doonin.

Wadanka Ingiriiska oo raajo ay ka qabeyn in uu Icrtiraafo ayaa waxaa si cad loogu sheegay inasan taa dhici karin, islamarkaana hadda aanay jirin meel ay Soomaaliya uga bixi karaan.

Sidoo kale waxaa loo sheegay in weli aysan haysan waxyaabo ay dal buuxda ku noqon karaan marka amaanka ay heestaan laga reebo, balse Shuruudo adag ayaa lasoo hordhigay.

Maamulka Siiilaanyo ayaa aad ugu faanaayay marka xilkaan ay qabanaayeen in ay dal gaar ah ka dhigi doonaan Somaliland, hase ahaatee taasi ayaa lagu hungoobay.