Alshabaabka Ceel-dheer Oo Dadka Ka Dalbaday Lacag Iyo Xoolo

0

Ceeldheere (AGGM) Deegaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo kamid ah meelaha ay wali haystaan Alshabaab ayaa waxaa dadka degan ay kooxdaas ku amartay in ay iska soo aruuriyaan lacago iyo xoolo.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka waxaa lagu amray 300 oo milyan oo shilin iyo 100 neef oo ari ah.

Al-shabaab waxay ku macneeyeen in xoolaha iyo lacagtuba ay tahay sako loona baahanyahay in si deg deg ah loo soo uruuriyo.  Alshabaab ayaa dadka ku xiray in hantidaas ay ku bixyaan maalmo kooban.

Ganacsiyo ku yaalla Ceeldheer ayaa sidoo kale loo xiray sababo la xiriira iyagoo bixin waayay lacagahaas.

Ceeldheer waxay kamidtahay goobaha ay ku dhufteen abaaraha, waxaana yar awooda ay dadku u leeyihiin inay lacagahaas bixiyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com