TOP NEWS:- Gudoomiyaha Gedo oo laga mamnuucay ku laabashada gobalka iyo inuu gudoomiye sii ahaado (SABAB)

0

Saraakiisha Maamulka Gobalka Gedo, ayaa eedeyn culus kala dul dhacay Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo shalay ka degay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Maxamed Cabdulaahi Faarax oo kamid ah Saraakiisha Maamulka Gobalka Gedo, ayaa sheegayu in Guddoomiyaha Gobalka Gedo Kaliil uusan kusoo noqon karin Gobalka sidoo kalena wax xil dambe ah uusan Gobalka ka qaban karin.

“Badhasaabkana nasiibdaro ayaa soo wajahday siyaasad ayuu qabay Muqdisho ayaa lagu bedelay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dambeeyay sheekada Guddoomiyaha Gobalka Gedo lagu bedelay”Ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Maxamed Cabdulaahi Faarax ayaa tilmaamay in Odayaasha Gobalka ay qabaan fikirka ah in qof aaday Magaalada Kismaayo oo la heshiiyay Axmed Madoobe inuusan Gobalka kusoo noqon karin oo tilaabo laga qaadayo hadii uu yimaado, sidoo kalena wax xil ah uusan Gobalka ka qaban karin.

Sarkaalkaan ka tirsan maamulka Gobalka Gedo, ayaa ganafka ku dhiftay inaysan marnaba suuragal aheyn inay la heshiiyaan koox uu ku tilmaamay Raaskaambooni oo uu ula jeedo Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhisan.

Guddoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo waayahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho, ayaa ugu dambeyn shalay tagay Magaalada Kismaayo oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay.

Maamulka Jubba oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsatay ayaa doonayaa in xubnaha Maamulka Gobalka Gedo ay kusoo biiraan Maamulka Jubba si Maamulkaasi ugu sahlanaato maamulida Gobalkaasi.