TOP NEWS DHAGEYSO WAREYSI:- Xasan Sheekh oo niyadda u dhisay Puntland, kana nixiyay Jubaland…

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareekanka ayaa marka hore waxa uu niyadda u dhisay maamulka Puntland oo dhawaan jartay xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya kala dhaxeeyay.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in marka hore uu aad uga xunyahay hadalka kasoo yeeray maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in dhankooda aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin.

Puntland ayuu sheegay in ay go’aan deg deg ah qaadatay, hase ahaatee aanu u arag mid ka dowlad ahaan wax u dhimi kara waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxa uu sheegay in hadda waxa la dhisaayo aanay maamul ahayn, dhamaanna ay yihiin maamulo KMG ah, hadii ay ahaan lahaayeen Jubba iyo sidoo kale K/galbeed.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO HADALKA MADAXWEYNAHA.