Gudoomiye Jawaari oo qaabilay wafdi Kasocda beesha caalamka

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan la qaatay ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjiraha Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, isagoo dhinaca kale ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka kaa oo lagu qabtay Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka uu la qaatay Danjire Dominik Langenbacher iyo Danjire Nicholas Kay waxa ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso xaaladda guud ee dalka iyo dadaalada ay dowladdu ugu jirto horumarinta guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka markii uu soo idlaaday kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo sheegay in kulanka uu la qaatay safiirka dowladda Zwitzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher iyo Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas kay uu ahaa mid diiradda lagu saaray nidaamka Federaalka oo ay dowladdu qaadatay iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa.

“Kulanka aan safiirka la qaatay waxaan uga wada hadalnay kaalinta dowladdu Switzerland ay ka geysan karto nidaamka Federaalka oo aad ogtihiin in arrimahaasi ay door muuqda ka soo qaateen, maadaama ay Nidaamka Federaalka ah ku dhaqmayeen in ka badan 7-boqol oo sanno qibradbna ay u leeyihiin, wuuna naga ogolaaday, dhanka kale Danjire Nicholas kay waxaan isla soo hadal qaadnay dib u dhiska dowladnimada, maadaama uu isagu wakiil ka yahay hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaa kaloo meesha ku jirtay in arrinta kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka marka uu furmo aan dar dargelino howlaha horyaalla” ayuu yiri Prof Jawaari.

Dhanka kale xarunta Villa Hargeysa waxa uu Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaga qeyb galay munasabad lagu dhaarinayay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir , isagoo kula dar daarmay in xilka loo dhaariyay maanta uu si cadaalad ah u guto, islamarkaana uu ugu adeego bulshada Soomaaliyeed.