Dhageyso: Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Wiil Uu Dhalay Inuu Ka Bar-bar Dagaalamo Kooxda Daacish Ee Dalalka Suuriya Iyo Ciraaq.

0

Hargeysa ,AGGM: Wiilkaan oo uu Magaciisu yahay Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa isku Magacaabay Abu Shuceyb Al-Soomaali markuu ku biiray Kooxda Daacish ee  ka dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Filim ay ISIS ka duubtay Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe, oo lasoo dhigay barta Youtube ayaa waxaa ka muuqday Wiil dhaliyaro ah oo ku baaqaya in laga soo qeybgalo “Jihaadka looga soo horjeedo Gaaladda”.

Hoggaamiyaha xisbiga UCID ee Maamulka Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo u waramay BBC-da ayaa Qirtay in Wiil uu dhalay uu u dagaallamo kooxda ISIS ee Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalanto.

“Waa Sax, wiilka aniga aya dhalay, waana inna yar, waxaana mar qura la waayay bishii Jannaayo ee sannadkii lasoo dhaafay, hadda uuna baahan maqlay inuu kooxdaas ku biiray,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe waxaa uu BBC-da u sheegay in wiilkiisa horey loo waayay oo lagu arkay magaalada Hargeysa, kaddib markii uu ka soo dhuuntay Dalka Finnland.

Ina Faysal Cali ayaa ah 22 Jir, wuxuuna haystaa Dhalashada Dalka Finnland.

Horaantii Bishii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale ku biiray Ururka ISIS, garabka Iraq Farah Mohamed Shirdon, oo ah Wiil Soomaali ah, balse ka yimid dalka Canada, waxaana Wiilkaasi la sheegay in uu Adeer u yahay Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ku biirtay kuwa lagu magacaabo “Jihaad doonka” ee ka Dagaalama Wadamada Suuriya iyo Ciiraaq.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com