Qof Ismiidaamiyey Oo Dilay Taliyahii Booliska Bari Col. Cabdiraxmaan Muslim  Iyo Dad Kale

0

Bosaaso(AGGM) Qofka isa soo miidaamiyey ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu isku qarxiyey markii uu ku soo leexday goob ay taagnaayeen taliyaha booliska ee gobolka Bari Col. Cali Cabaas Muslim iyo saraakiil kale.madaxdii canshuuraha bariga magalada Bosaso  Maxamuud Xaaji Saleemaan Ilkacase ayaa isna kamid ah dadka goobta ku dhintay

4 qof ayaa dhimatay inta la isla isku raacay, ugu yaraan 9 kalena waa dhaawac sida uu sheegay wasiirka Amniga Puntland Aloore oo saxaafada hada la hadlay.

Qaraxa wuxuu ka dhacay albaabka hore ee xarunta Taliska booliiska ee Boosaaso. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka is qarxiyey uu xirnaa suunka qaraxa. Waxaana markiiba goobta ku dhintay dad shacab ah iyo askar ka tirsan maamulka Puntlan.

Dadka reer  Boosaaso ayaa si weyn uga argagaxay qaraxaas maadaama ay muddo hore ugu dambaysay qarax noocaan oo kale ah.

Qaraxa ayaa waxaa loo badinayaa inay ka dambeysay Alshabaab inkastoo aysan si rasmi ah u sheeganin. Ciidamada ammaanka Bosaaso ayaa wada baaritaan ku aadan sida uu qaraxa u  dhacay iyo cidii ku luglahayd

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com