Dhuusamareeb (AGGM Kulanka uu qabtay maamulka dawlada ee Dhuusamareeb ee dawlada oo ay ka soo qeybgaleen odayaal iyo waxgarad kale ayaa lagu taageeray Heshiiskii Gobolada Dhexe ee shalay qalinka lagu duugay.
Macallin Cabdiraxmaan Cali oo ah guddoomiyaha Dhuusamareeb ee dawlada ayaa sheegay in shacabkoodu ay ku faraxsanyihiin heshiiska, ayna rajeynayaa in uu umada deegaanadaas degan u horseedo horumar iyo wada noolaansho.
Dhuusamareeb waxay fariisin u tahay Ahlusuna waxayna madaxda Ahlusuna qeyb ka ahaayeen sixiixayaasha heshiiskii shalay oo Muqdisho ka dhacay.
Halkan ka daawo sawiro
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com