Nairobi (AGGM) Xuseen Aar oo ah gudoomiyaha ganacsatada Islii ayaa quus ka muujiyey sida uu u socdo ganacsiga Soomaalida Islii oo uu sheegay in uu gaabis xoogan ku yimid.
Masuulkaan u hadlay guddiga ganacsatada Islii ayaa sheegay in ganacsatada ay dhimeen waxyaabihii ay dibadaha ka keeni jireen kaddib cabsi soo food saartay.
Soomaalida waxaa saameeyay qabqabasho ay u gaystaan ciidamaad Kenya, iyadoo la rumeysanyahay in Soomaali badan ay meelo kale oo ay kamid tahay koonfurta Suudaan iyo Ugaandha ay gacansigooda u wareegsadeen.
Ganacsiga Soomaalida Islii wuxuu ahaa midka ugu xoogan geeska Afrika, iyadoo maalin walba ay gacmaha ganacsatada isku dhaafi jireen lacago gaaraya malaayiin Doolar.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com