TOP NEWS:- Afar nin oo la socotay laba mooto oo Magaalada Muqdisho ku toogatay Axmed Sheekh Muxudiin (Axmed Laashin)

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay Axmed Sheekh Muxudiin (Axmed Laashin), oo ka tirsanaa Saraakiishii Ururka Xisbul Islaam, balse markii dambe ku biirtay Ururka Al Shabaab.

Axmed Sheekh Muxudiin oo 18 bilood ka hor ka soo goystay Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa lagu dilay agagaaraha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, xilli uu Salaaddii Duhurka ku soo tukaday Masaajid halkaasi ku yaala.

Ilaa afar nin oo la socotay laba mooto (Dhug dhugley), ayaa waxay dilka Axmed Sheekh Muxudiin u adeegsadeen bistoolado ay ku hubeysnaayeen, iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Saldhiga Degmada Yaaqshiid, ayaa waxay ku dhaqaaqeen meeshii lagu dilay Axmed Laashin, oo ku dhow Saldhiga Booliska ee Yaaqshiid. Waxayna ka sameeyeen hawlgal la xiriira kuwii dilka geystay, inkastoo ay baxsadeen.

Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa baahisay in Axmed Laashin uu watay bistoolad, isla-markaana uu doonay in uu iska caabiyo kuwii soo weeraray, balse rasaasta loogala hormaray.

Laakiin mid ka mid ah ehelada Axmed Laashin oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa waxa uu beeniyay in uu wax hub ah watay, lana dilay xilli uu ka soo baxay Masaajid, isla-markaana uu soomanaa.

Axmed Laashin waxa uu Ururkii Xisbul Islaam uu qaabilsanaa Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, iyadoo uu mar dagaal culus kula galay Ciidamada Maareeyihii hore ee Dekeda Magaalada Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow.