Shaqaalaha dowlada oo dib u habeyn lagu sameynayo

0

Afahayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli ayaa Sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay aragti Mideysan ka qaateen tayaynta iyo sare u qaadida Hay adaha Dowlada Soomaliya.

Wxaa u kalo Sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada waxa uuna intaasi raaciyay in Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ay diyarisay Qorsho cusub oo la xiriira arrimahaasi.

ugu dambeyn Afahayeenka Xukuumada ayaa sheegay in tani ay muhiim u tahay Aas aaska iyo hormarinta hay adaha Dowlada ayna u heli lahaayeen Shaqaale xirfad iyo awoodba u leh waxa ay qabanayaan.

dood dheer ka dib waxa uu sheegay in golaha Wasiirada ay isku raacen ayna aqbaleen soo jeedinta wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.