Qorshe Amaan Oo Cusub Oo Muqdisho Ka Hirgalay

0

Caabudwaaq(AGGM) Boqolaal isugu jira ciidamo Booliis iyo nabadsugid ayaa waxaa xalay la soo daadiyey waddooyinka Muqdisho si nabadgelyada iyo weerarada xilliyadii habeenkii ah loo yareeyo.

Ciidamada ayaa il gaar ah ku hayay gaadiidka iyo dadka lugeynaya, iyagoo baaritaano ku sameynayay cid walba oo ay ka shakiyaan.

Baaritaanadaan iyo fajignaantaan adag ayaa ka dambeysay kaddibmarkii wasaaradda amniga ay sheegtay in hawlgallada roondada ah oo Muqdisho laga sameynayo inay noqonayaan kuwa sii socda inta amaanka laga xaqiijinayo.

Qorshahan ayaa sidoo kale noqonaya waxqabadkii koobaad ee  Gen. Khaliif Axmed Ereg, si uu ula tacaalo fashilka ka taagan amaandarada caasimada Soomaaliya.

Dadkii ugu dambeeyay oo ay amaandarada Muqdisho sahayato ayaa waxaa kamid ahaa Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo xildhibaan Xayd oo labaduba muddo bil gudaheed ah lagu dilay caasimada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com