Dhageyso Geelle Saliid” Dilalka Muqdisho Ka Dhaca Waa Dilal Siyaasadeed”

0

Kismaayo (AGGM) Geelle Maxamed Aadan Geelle saliid oo horey u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanki dawladii Cabdullaahi Yuusuf, haddana ah horjooge maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa sheegay in dilalka Muqdisho ka dhaca aysan ahayn kuwa aan loo dulqaadan karin.

Geelle Saliid ayaa sheegay in aysan wax suurtagal ahayn in maalin cad la dilo xildhibaan Soomaaliyeed, iyadoo gaar lagu horgooyay gaari ay la socotay, deedna la soo qaban waayo cidii dilkaas ka dambaysay.

Geelle Saliid ayaa yiri ” Dilalka Muqdisho Ka Dhaca Waa Dilal Siyaasadeed”

Geelle ayaa ku eedeeyay dawlada Soomaaliya inay ka dambayso dilalka ka dhaca Muqdisho maadaama ay iyadii loo ixilsaaray masuuliyada amniga umada Soomaaliyeed ay ku fashilantay.

Halkaan ka dhageyso Geelle Saliid

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com