DHAGEYSO:-Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Caabudwaaq ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi ay tahay mid dagan ka dib markii maanta dagaal xoogan uu halkaasi ka dhacay.

Inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday ilaa iyo Todobo ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka sii badan sida ay inoo sheegayaan dadka deegaanka.

Cabdulaahi Warsame oo ah wariye ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa warbaahinta Allgalgaduud u sheegay in caawa xaaladu ay tahay mid dagan haatana ay socdaan dadaalo badan oo lagu doonayo in dagaaladaasi lagu joojiyo.