Top News:Maxamed Cali “Ciidamadeena Ammaanka Jabuuti Waa Ay Adkeenayaan”.

0

Jabuuti, AGGM:Ciidamada amaanka ee dowlada Jabuuti ayaa heegan buuxa la geliyay si ay adkeeyaan amaanka dalkaasi, iyadoo labo bil ka hor dalkaasi ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay goob maqaayad ah oo ku taala caasimada, masuuliyadana ay sheegteen Alshabaab.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali oo saxaafada la hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Ammaanka ay adkeynayaan amaanka dalkaasi kadib markii Alshabaab ay weerareen dalkaasi, si ay kaga hortagaan weeraro kale.

Dhanka kale dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in meel gabo-gabo ah ay marayso qorshe ciidamo dheerad ah ay ugu soo dirto dalka Soomaaliya, si ay qeyb kaga qaataan howlgalka AMISOM.

Jabuuti ayaa ciidamo waxay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, markaasi oo ciidamadii ugu horeeyay ee AMISOM ay Soomaaliya yimaadeen.

Maxamed Cali Yuusuf wasiirka arimaha dibada ee Jabuuti ayaa sheegay in iminka ay qorsheynayaan 950 askari oo dheeraad ah ay usoo diri doonaan dalka Soomaaluya, gaar ahaan gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

“Ciidamada iminka waa diyaar in loo diro Soomaaliya, wajiga koowaad 450 askari ayaan direynaa 500 ee harsanna labo bil kadib ayaan direynaa”ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Jabuuti.

Sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada go’aanka Jabuuti ay ugu soo direyso ciidamada dheeraadka dalka Soomaaliya ayuu ku sheegay inay tahay in Alshabaab ay ka saaraan gobolada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com