Top News:Diyaarado Joog Hoose Ku Duulayay Oo Xalay Lagu Arkayay Hawada Magaalada Baardheere.

0

Baardheere, AGGM:Wararka naga soo gaaraya saaka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay jawiga Deegaankaasi uu ahaa mid kacsan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in diyaarado Joog hoose ku duulaya xalay lagu arkayay degmadaasi, waxaana laga cabsi qabay inay duqeeymo ka geystaan magaaladaasi.

Maxamed Xassan oo dadka Deegaanka ka tirsan, ayaa inoo xaqiijiyay in diyaarado ay dul hey haabayaan hawada magaalada Baardheere oo ay iminka Maamulaan Falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab sidoo kale maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa waxa ay banaanka iyo fagaarayaasha magaaladaasi u soo bixiyeen gaadiidkooda dagaalka gaar ahaan Hubkooda lidka diyaaradaha.

Dhanka kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Horjoogeyaasha falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab ee magaalada Baardheere ay Shacabka ugu baaqeen in ay is dajiyaan iyagoo u ballan qaaday in ay ka hortagayaan weeraro kasta oo lagu soo qaado sida ay yiraahdeen Horjoogeyaasha Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com