Top News:Maamulka 6-da Gobol Ee Konfur Galbeed Soomaaliya Oo Sheegay Inay Dagaal Lagalayaan Falaagada Al Shabaab.

0

Baydhabo, AGGM:Maamullka Lixda Gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, iyadoo shirkii looga dhawaaqay arrintan oo ka dhacay Baydhabo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka.

Qodabbadii loogu hadlay Kulanka ayaa waxaa ka mid ah in laga qayb-qaato dagaallada hadda ka socda deegaannada Toos-weyne, Keerow-Malaaq iyo Saydheeloow oo ka tirsan gobolka Bay, dagaalladaas ayaa wuxu u dhaxeeyaa dadka deegaankaas ku nool iyo xoogagga Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa waxay soo jeediyeen in dagaalka laga dhigo mid seddex geesood sida maamulka gobalka, maamulka Koonfur-galbeed iyo ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Bay.

Sidoo kale Kulankaas waxaa ka hadlay Cabdi Aadan Hoosoow iyo guddoomiyaha golaha guurtada ee Koonfur-galbeed, Ugaas Xasan Shure Maxamuud, labadaas mas’uul ayaa ku baaqay sidii loo dar-dar-gelin lahaa dagaallada hadda socda; iyagoo xusay dilalka xilliyada habeenkii ah loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan, iyadoo toddobaadkan gudihiisa lagu dilay Baydhabo labo dumar ah.

Maalintii shalay ayey Aheyd markii U Warbaahinta la hadlay Col. Mahad C/raxmaan oo ah taliyaha qaybta booliiska ee gobalka Bay, Wuxuuna sheegay in haddii ay Al-shabaab joojin waydo dilka dadka shacabka ah ay dhacayso in la laayo dadka ehellada la ah Al-shabaab ee deegaanka ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com