Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Amaanka Kenya“Marka Soomaaliya Naga Codsato Inaan Ciidamadeena La Soo Baxno Ayaan La Soo Baxaynaa”

0

Nairobi(AGGM)) Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Amaanka Qaranka iyo Maamulka Arrimaha Dibadda ee Kenya  oo lagu magacaabo Asman Kamana ayaa sheegay in ciidamadooda aanaan laga soo saari doonin dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Ciidanka Kenya lagama soo saari doono Soomaaliya,ilaa uu dalab inooga yimaado Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Midowga Africa ee Soomaaliya”

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee CORD Raila Odinga ayaa talaaddii ku baaqay in Ciidamadda Kenya laga soo saaro Soomaaliya isagoo codsaday in la cadeeyo tirada geeriyootay ee ciidamadooda mudadii ay Soomaaliya ka dagaalamayeen.

Madaxda baarlamaanka iyo kuwa qaran ee dalka Kenya ayaa ku kala qeybsan in ay ciidamadooda sii joogaan Soomaaliya iyo in kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com