Yaab:Ciidamada Dowladda Oo Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Asluubta.

0

Muqdisho, AGGM:Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Isgooyska Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Asluubta.

Sarkaalka ayaa waxa uu ka tirsanaa Ciidamada Asluubta waxaana la Tilmaamayaa in xiliga la dilaayay uu taagnaa Isgooyska.

Allaha u naxariistee Sarkaalka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Afcadey, waxaana Saacado kadib Meydkiisa meesha ka qaaday Ciidamo ka tirsanaa Dowladda, gaar ahaan kuwa Saldhiga Xamar-jajab.

Dhanka kale, Rasaasta ay Ciidamadu ku rideen Sarkaalka ayaa waxa ay ku dhacday Haweeney iyaduna goobta ku sugneyd.

Ma cadda sababta ka dambeysa dilka Sarkaalka, balse warar hoose ayaa sheegaya in dilka uu ahaa mid qorsheysnaa oo lala soo damcay Sarkaalka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com