Top News: Horjooge Ka Tirsanaa Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Xalay Xiligi Afurka Lagu Dilay Degmada Dhoobleey.

0

Dhoobley, AGGM:Wararka saaka naga soo gaaraya degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay Sheegaayaan in xalay bacda Maqribkii degmadaasi lagu dilay horjooge ka tirsanaa Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Horjoogaha la dilay ayaa waxaa lagu Magaciisa naloogu sheegay Sheekh Xasan Cabdiqani waxa uuna ahaa Wakiilka Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee deegaanka Guduudeey ee isla Gobolka Jubbada Hoose ,Horjoogaha ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday Bom-ka gacanta lagu tuuro oo guri uu Marti ku ahaa lagu riday uu afur u fadhiyay .

Ilaa hadda Lama Sheegi karo Cid kale oo wax ku noqotay Weerarkaan lagu qaarajiyay Sheekh Xasan Cabdiqani oo ahaa Horjoogihi maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee deegaanka Guduudeey ee Gobolka Jubbada Hoose .

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray maleeshiyaad ka tirsan kuwa Maamul Dhoobleey kuwaas oo baaritaano ka fuliyay agagaarka guriga lagu dilay Horjoogahan oo ku yaalaay bartamaha degmada Dhoobleey .

Isku soo wada duuboo ilaa hadda ma ay jirto cid loo soo qabtay dilka Horjoogahan sidoo kalana ma jirto cid Sheegatay dilkaan loo geystay Horjooge Sheekh Xasan Cabdiqani.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com