Top News: Barakacayaal Ku Nool Degmada Luuq Oo La Gaarsiiyey Raashin Deeq Ah.

0

Luuq, AGGM:Ugu yaraan 200 oo qoys oo ka tirsan dadka barakacay ee ku nool degmada Luuq ee gobolka Gado ayaa maanta la gaarsiiyey cunto ay ugu deeqeen qaar ka tirsan Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa.

Deeqda ayaa lasoo marsiisay hay’adda Al-Qalam ee fadhigeedu yahay magaalada London ee carriga Ingiriiska.

Qoysaska oo kala deggan xeryaha dadka soo barakacay ee Jazeera iyo Boyle ee degmada Luuq ayaa qoyskiiba waxaa la siiyay shan kiilo oo bariis ah.

Qaar ka tirsan dadka ka faa’iideystey deeqda oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa u mahad celiyey dadka bixiyey deeqda iyo hay’adda soo gaarsiisey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com