Top News: Quburo Gaaraysa 100 Kuna Xeel Dheeraa Cudurka AIDS-KA Oo Ku Geeriyooday Diyaaradi Lagu Riday Ukraine.

0

Muqdisho, AGGM:llaa boqol ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dayuuradii Malaysia Airlines oo ku burburtay dalka Ukraine ayaa ahaa dad ku sii jeeday dalka Australia halkaa oo ay ugaga qeybgali lahaayeen kulan caalami ah oo loogaga hadlayo cudurka AIDSka.

Wargeyska Sydney Morning Herald ayaa daabacay in marka saddex loo qeybiyo dadkii ku dhintay shilkan diyaaradeed ay hal qeyb ahaayeen cilmi baarayaal, shaqaale caafimaad iyo aqoonyahano dhinaca caafimaadka oo ku sii jeeday Melbourne si ay ugaga qeybgalaan shir si rasmi ah u furmayo maalinta Axadda.

Wargeyska ayaa qoray in dadka ku dhintay shilkan uu ku jiray Joep Lange oo hore madax uga soo noqday urur caalami ah oo AIDSka ka shaqeeya (International AIDS Society).

Joep Lange ayaa waxa uu ku dhex jiray baaritaanka AIDSka muddo soddon sano ah waxana uu ka mid ahaa dadka ugu
waaweyn ee caalamka la dagaalama cudurka isla markaana ka shaqeeya sidii dadka saboolka ah ee uu cudurkan ku dhacay ay u heli lahaayeen daawo.

Kulanka caalamiga ah ee loogaga hortagayo cudurka AIDSka ayaa waxaa ka qeyb galaya dad gaaraya 12,000 oo ruux
iyadoo kulankani uu yahay kii labaatanaad ee noociisa oo kale ah ee la qabto.

Dayuuradan Malaysian Airlines Boeing 777 ayaa ka soo kicitintay magaalada Amsterdam iyadoo ku sii jeeday magaalada
Kuala Lumpur, waxana lala helay dayuuradan gantaal iyadoo maraysa bariga wadanka Ukraine Khamiistii.

Ururka caafimaadka u qaabilsan caalamka ee WHO ayaa waxaa ay sheegtay in afhayeenkii ururkaas Glenn Thomas uu ka
mid ahaa dadkii ku dhintay duulimaadkii MH 17.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com