Daawo: Xildhibaan Cabdirashiid Xigid Oo Ku Biiray Mucaaradka Maamulka 3-da Gobol Ee Koonfur Galbeed.

0

Muqdisho, AGGM:Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay talaabo ay qaadatay dawlada Soomaliya oo ku wajahan maamulka Koonfur Galbeed, sidoo kalana waxaa magaalada Muqdisho kulan balaaran oo arintaasi looga soo Horjeedo ku qabsaday Beelaha Hawiye oo gaashaanka ku dhuftay arintan ay wataan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamida mudanayasha Baarlamaanka Soomaliya ayaa wuxuu si adag uga hadlay gudi ka kooban 18 oo Dawladda Soomaaliya ay u saartay arimaha maamulka 3-da gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, Wuxuuna sheegay inay arintaasi abuurtay Mushkilad ayna kasoo Horjeedaan marnabana aysan qaadan doonin.

Halkaan Hoose Ka Daawo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com