Yaab: Haweeneey Ka Tirsaneed Ciidamada Dowladda Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Baydhabo.

0

Baydhabo, AGGM:Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in Xalay Kooxo hubeysan ay Haweeney Askari aheyd ku toogteen Magaalada Baydhabo ee Xarun Goboleedka Baay.

Sido Ilo Degaanka ah ay u sheegeen Garoowenews Online, Dhalinyaro ku hubeysnaa Bistoolado ayaa Dilay Haweeneydan iyadoona Dilka kadib ay carareen.

Dilka Haweeneyda kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada amaanka ee Maamulka Magaalada Baydhabo ee Dowladda Soomaaliya kuwaa oo wali Cid aan u soo qaban Dilkeeda.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo ilaa iyo hada wax faah faahin ah meysan ka bixin Dilkaasi iyadoona xusid mudan Al Shabaab ay shaaciyeen kordhinta Weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com